8″ February “2023
Duqa Laascaanood ugu magacownaa Somaliland oo la saftay xoogaga deegaanka iyadoo dagaalada magaalada laascaanood oo sii xoogeeysanaya uu galay maalintii sadaxaad
Dhakhaatiir ku sugan magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool ayaa BBC-da u sheegay in ay dhibaatooyin kala kulmayaan fulinta shaqooyinkooda sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda oo galay maalintii saddexaad.
Tirada gawaarida gurmadka degdegga ah ee Ambalaasta ayaa aad ugu yar magaalada oo laga soo tebiyay khasaare badan.
Duqa magaalada Laascaanood ee Somaliland iyo xildhibaanada golaha deegaanka ayaa ku dhawaaqay in magaalada duqeyn aan kala sooc-laheyn ay ku hayaan ciidanka Somaliland.
Masuuliyiintan Somaliland u qaabilsanaa Laascaanood ayaa sheegtay ciidmada Somaliland ay beegsanayaan dhammaan goobaha ka caagan dagaalka, sida, Istitaalada, Korontada, Biyaha iyo Masaajidada.
Sidoo kale waxay sheegeen in dagaalka u dhaxeeya ciidamo soo duulay iyo dadka deegaanka, iyagoo sheegay in dagaalka u dhaxeeyo qabiilada Dhulbahante iyo Isaaq.
Duqa magaalada Laascaanood ee Somaliland ugu magacownaa ayaa sheegay in ay dagaalamayaan, oo ay difaacayaan dadkooda, Madaxweyne Biixi ayuu ugu yeeray in uu ciidamadiisa kala baxo SSC.
Tani ayaa wajigabax ku ah wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo saacad kahor sheegay in ay Argagixiso kula dagaalamayaan Lascaanood.
Xaglo-toosiye Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Muuse Biixi
<犀利士 !– /wp:paragraph –>Ex. Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye, haddana ah guddoomiyaha urur-siyaasadeedka ‘Shacabka Somaliland’ ayaa usoo jeediyay Muuse Biixi in uu ciidankiisa kala baxo Laascaanood.
“Muusow ciidamadaada kala bax deegaanada dadka Laascaanood, cidda aad dagaalka ku wadaa maaha argagixiso ee waa dadkii deegaanka ee aad hore carruurtooda u laysay, waxaad dawladdii xoogga badnayd kula dagaalanteen idinka yeeli mayno maanta” ayuu yidhi Xaglotoosiye.
Dagaalka ayaa maalintii Saddexaad ka socda Magaalada Laascaanood, waxaana la soo sheegayaa khasaare gaadhay bulshada rayidka ah.
Dagaalka Magaalada Laascaanood oo Maalintiisii Seddexaad galay
Dagaalka Magaalada Laascaanood ayaa galay maalintiisii seddexaad, waaana uu sii xogaysanaa maalinba maalinta ka dambeysa sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Halkaasi.
Dhawaqa madaafiicda ayaa si xooggan loo maqlayaa, waxaana wararkii ugu dambeyay ay tilmaamayaan in Ciidamada dadka degaanka ay kusii siqayaan fariisimo hor leh.
Maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ayey Kooxaha argagaxisadu weerar ku soo qaadeen xeryaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan fadhisimada Ciidamada, waxa aanay ciidamadu ku jiraan difaac.” Ayuu sheegay Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Cabdilaahi Axmed Caarshe.
Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dagaalkan ay ku barakaceen in ka badan 80kun oo qof, kuwaasi oo ka yaacay dagaalka dushooda ka bilaabmay.