Duqeeyn aan loo meel dayin oo la la beegsaday ayaa albaabada Isugu dhufatay Isbitaalkii dagmada guriceel ee Istarliin hospital

Sunday”24″ October “2021 Guriceel

Waxaa sii xumaanaya xaaladaha bani,aadanimo dadkii ka barakacaya dagaalka maalintii labaad galay ee ka socda deegaanka guriceel iyada oo dhinacyada ku lugta leh dagaalka ee Galmudug iyo Ahlusuna aysan xurmeeyn ilaalinta goobaha caafimaadka

Tiro madaafiic ah ayaa la la eegtay Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel xili howlwadeenada isbitaalku ku guda jireen la tacaalida dad qaba dhaawacyo soo gaaray

Agaasimaha Isbitaalka Istarliin Raxmo Axmed Diiriye ayaa sheegtay inuu burbur soo gaaray dhismayaasha iyo qalabka Isbitaalka, balse aysan jirin waxyeelo soo gaartay shaqaalaha iyo bukaanada ku jirtay isbitaalka

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah halkaasi ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidammada dowladd Soomaaliya iyo xooggaga Ahlu Suna.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo ah dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso iyo dad rayid ahba.

Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheeganaya dagaalkaasi oo wararkii ugu dambeeyeya ay sheegayaan inuu galabta sii xoogeystay

Leave a Reply