Duqeyn culus oo maanta ka dhacday bariga gobolka GALGADUUD

Waxaa maanta bariga gobolka Galgaduud dowlad-goboleedka Galmudug ka dhacay duqeyn xooggan oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliyaha laheyn ah ee saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dagaalka argagixisada.

Xogaha hordhaca ah ee kasoo baxaya duqeyntan ayaa sheegaya in deegaanada ay duqeynta ka dhacday, ka socdeen howlgallo xooggan oo iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiileyda.

Duqeyntan ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo halkaasi ku sugnaa, inkasta oo wax faah-faahin ah aysan weli kasoo bixin dowladda federaalka.

Sidoo kale waxaa weli duqeyntan ka hadlin taliska Mareykanka u qaabilsan howl-gallada qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM oo inta badan ay dowladda iska kaashadaan weerarada dhanka cirka ah.

Asbuuc kahor unbey aheyd markii sidaan oo kale ayay duqeymo xooggan uga dhaceen deegaannadaan, markaas oo dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay tobonneeyo xubnood oo katirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa goobaha la beegsaday.