Goob joogayaal ayaa sheegay in dugsi xanaano oo ku yaala caasimadda Tigreega ee Mekelle lagu garaacay weerar dhanka cirka ah,

26″ Aug”2022 AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu eedeeyay weerar lagu hoobtay iyadoo dagaalka Tigray uu sii kordhayo

Goob joogayaal ayaa sheegay in dugsi xanaano oo ku yaala caasimadda Tigreega ee Mekelle lagu garaacay weerar dhanka cirka ah, waxaana ku dhintay afar qof oo rayid ah, balse dowladda federaalka ayaa beenisay warkaas.

Telefishanka Tigrey ee ay maamulaan TPLF ayaa sheegay in duqeyntu dhacdey abaare 01:00 duhurnimo ee xiliga Bariga Afrika, waxaana ay ku eedeeyeen Addis Ababa in ay ka danbeyso.

War ka soo baxay dowladda Itoobiya ayaa shacabka Tigreega looga digey in ay u dhawadaan goobaha ciidamada iyo tababarada ay ku lee yihiin falaagadu sida warka loo dhigay.

Iyada oo dhawaan la sugaayey in wada hadal toos ah u furmo oo nabadeed Adis Ababa iyo Makelle ayaa waxaa hadda muuqanaya in xiisadii dib u soo cusboonaatey.

https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1563237408782827522?t=hClso8rohhz1gatTXWFIIQ&s=19

“Ciidanka Cirka ee Itoobiya waxa ay si cad u bedelayaan weerarkii lagu soo qaaday Itoobiya iyaga oo bartilmaansaday goobo ciidan oo keliya,” ayay tiri Adeegga Isgaarsiinta Dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda argagixisada ah ee TPLF ayaa bilaabay inay bacaha jidhka ku daadiyaan goobaha rayidka si ay u sheegaan in ciidamada cirku ay soo weerareen dad rayid ah.

Stephane Djarric, oo ah afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in uusan xaqiijin karin wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah.

“Waa arrin aad u quseysa horumarka… Tani waa fursad wanaagsan oo lagu xaqiijinayo baaqa xoghayaha guud ee joojinta dagaalka,” Djarric ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Madaxa hay’adda caafim犀利士 aadka adduunka WHO Tedros Ghebreyesus oo ka soojeeda qawmiyadda Tigreega horeyna u soo noqdey wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegay in xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd ka jirto gobolkaas, waxaana uu ku daray in xitaa qoyskiisi ay aad u taabatey dhibaatadu oo aanu wax xiriir ah la lahayn, dhaqaale xitaa u diri karin. Itoobiya ayaa ku eedeysey madaxaha WHO in ay qaadey caadifad, ee aanu u hadlin si xirfad leh.

Kibrom waxa uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in cisbitaalka ay heleen afar qof oo ku dhintay weerarka cirka oo laba ka mid ah ay ahaayeen carruur, sagaal kalena la dhigay dhaawacyo.

Leave a Reply