Duqeyn ka dhacday deegaano ka mid ah gobolka Gedo

Diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay inay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Kenya ayaa duqeyn ka geystey deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Deegaanada la duqeeyay ayaa waxaa kamid ah Cows-qurun, Dhamase , Likooley , Garsaal iyo Xisaguur iyadoo duqeyntan ay ka dhalatay waxyeelo soogaartay dad iyo xoolo.

Dadka ku nool deegaanada la duqeeyay oo ah xoolo dhaqato ayaa sheegay in geel badan lagu laayay duqeyntan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland iyo dowlada Kenya oo la xiriira duqeyntan.

Hase yeeshee waxaa ka jirey deegaano ku yaal xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya xiisad ka dhalatay dad rayid ah oo la rumeysan yahay inay ciidamada Kenya dileen.

Leave a Reply