14- September-2023
Duqeyn lagu eedeeyay Kenya oo lagu waxyeeleeyay qoys Soomaaliyeed 犀利士 ayaa ka dhacday deegaanka ceelcade Dheeho.com
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in habeen hore ay dayaarado dagaal duqaymo ka gaysteen deegaanka Ceel cadde, halkaasoo khasaare nafeed iyo mid xoolaba ay ka dhasheen.
Arrintaas ayaa keentay in eedeymo laga soo jeediyo, gaad ahaan dalka loo malaynayo in uu dayaaradahaas leeyahay.
“Wax lagu tilmaamay khasaare aan ula kac ahayn oo ka dhashay weerarrada cirka ee KDF ee soo noqnoqda ee Ceel Cadde ayaa lagu dilay dad aan waxba galabsan (dumar, carruur iyo waayeel). Ficilladan bani aadminimada ka baxsan ee aan la aqbali karin waa inay istaagaan. Waxaan ka codsanayaa wasaaradda arrinaha dibadda e Somalia inay billowdo baaritaan arrintan lagu samaynayo” Sidaa waxaa barta X ku qoray Mrsal Khaliif oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaailya, kana tirsan guddi hoosaadka difaaca, oo ka soo gala deegannada Jubbaland.
Adan Aw Xirsi oo ah wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha deegaanka ee dawladda federaalka ayaa isna ku qoray X “duqaymaha aan loo aabo yeelin ee loo gaysanyo magaalo ay ka buuxaan dad rayid ah waxaa la soo arkay in aysan wiiqayb argagixisada, laakinse ay sii xoojinayso inay dd kuso biiraan. Duqaynta dhawaan aka dhacday Ceel Cadde waa mid aan wxba soo kordhinayn, lana canbaareynayo”.
Khasaaraha ka dhashay duqaynta
Duqaynta Ceel cadde waxaa dhibaato ay ka soo gaartay qoys ka kooban hooyo iyo shan carruur ah oo ay dhashay, kuwaaso xaaladdoodu ay aad u liidato, ayadoo qoyskaas iminka lagu dabiibayo isbitaalka degmada Beledxaawo.
Dhibaatada ayaa qoyskaas la soo deristay ka dib markii habeen hore saqdii dhexe ay dayaarad ku duqaysay tuulada Ceel Cadde oo magaalada Garbahaarrey u jirta qiyaastii 100 KM.
Mid ka mid ah ehelka qoyskaas oo ay hooyada walaalo yihiin ayaa BBC u sheegay in dadkaas ay xaaladooda liidato, gabar 7 jir ahna ay geeriyootay.
“Hooyada waa garaabo, hadda ayaan la taagnahay, isbitaalka ayey taallaa, wiil 11 jir ah isna waa garaabo, mana rajo fiicna. Laba ilmood oo kale oo mid sagaal jir yahayna dhaawacoodu waa culus yahay” ayuu yiri ninkaas reerka ehelka la ah.
Wuxuu BBC uu sheegay in uu ka mid ahaa dadkii u soo gurmaday reerkaas markii ay dhibaatadu ku dhacday.
Ninkaas oo codsaday in aan magaciisa la sheegin wuxuu intaa ku daray in aysan arkin dayaarad, balse ay guux maqlayeen. “Guuxeeda maahee waxba ma aynaan arag sababtoo ah habeennimo ayey ahayd markii duqaynta ay dhacday” ayuu yiri.
Wuxuu kaloo sheegay in ay masaajidka miciin bideen, ka dibna halkaa lagu duqeeyey. “Reerku waxay ka soo carareen gurigooda, waxayna door bideen inay masaajidka galaan oo ay ku badbaadaan maadaama uu dhismihiisa dhagax ka samaysnaa, hase yeeshee masaajidka qudhiisa ayaa la duqeeyey, gabi ahaanna wuxuu burburay”.
Dadka tuuladaas ku nool ayaa la sheegay intooda badan in ay hore uga qaxeen deegaankaas, maadaama aysan ahayn markii ugu horreeysay ee duqayn ka dhacdo.
Ceel cadde waxaa 2016 ka dhacay weerar ay Al Shabaab ku qaadeen xero ay ku lahaayeen milateriga Kenya ee qaybta ka ahaa ciidankii AMISOM ee nabad ilaalinta Soomaaliya.
Wixii wakhtigaa ka dambeeyey waxaa ka jiray dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo duqaymo. Dawladda Kenaya waxay si is dabajoog ah u beenisay in ciidankeeda iyo dayaaradaheeda ay duqaymo ka gaysteen gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale dawladda Soomaaliya iyo maamullada ka eee dalka ka jira ayaan ka hadlin duqayntan.
Maxay tahay Ceel cadde
Tuulada Ceel cadde waxay fariisin u ahayd ciidamada Kenya ee ka hawlgali jiray nabad ilaalinta Soomaaliya.
Waxay halkaa isaga baxeen markii weerar xoog leh ay ku soo qaadeen dagaallamayaasha Al Shabaab, kuwaasoo sida wararku sheegayaan cagta mariyey xeradaas sannadkii 2016.
Dadkii halkaa degganaa oo xoolo dhaqato u badnaa ayaa iyagana ka bara kacay maadaama duqaymo iy hawlgallo milateri ay halkaa ka billowdeen.
Sannadihii u dambeeyey ceel cadde wxay ka mid ahayd deegaannada ay u badan yihiin Al Shabaab.