Duqeyn xaga cirka ah oo laga fuliyay duleedka magaalada Dhuusamareeb

10- September-2023

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo ka fullyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, taas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay maanta ka dhacday Bulacle oo u dhow magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo lagu g壯陽藥 araacay gantaallo.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday in lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in halkaas lagu dilay xubno badan oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, isla-markaana ay shaacin doonto magacyada xubnaha la dilay.

Lixdii bishan ayay aheyd markii sidaan oo kale uu Mareykanka duqeyn uga fuliyay agagaarka deegaanka Ceel-lahelay, waxaana lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay wada qireen dowladda federaalka iyo taliska AFRICOM.

Waxaa sidoo kale duqeyntaas uu khasaare kasoo gaaray dad rayid ah oo ku dhaqnaa deegaanka laga duqeeyay, sida lagu cadeeyay warsaxaafadeedka Mareykanka.

Si kastaba, weeraradan ayaa qayb ka ah duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu taageerayo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobollada dalka.

Leave a Reply