Duqeynta magaalada Laascaanood ee ciidanka Somaliland oo sii xoogeysanaysa

21″ February “2023”

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa ku sii xoogeysanaysa duqeyn aan loo meel dayin oo ay ciidmada Somaliland la beegsanayaan xaafadaha qaar.

Guryaha ay degan yihiin dadka shacabka ah ee Laascaanood ayaa haleelay madaafiic laga soo riday duleedka Magaalada.

Dadkii ku noolaa magaaladan ayaa inta badan isaga barakacay kadib markii uu sii xoogeysteen dagaalka iyo duqeynta wada socda.

Garaad Cabdikariin Cali Nuur oo ka mid ah Garaadada Gobolka Sool oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in qaar ka mid ah Guryaha Garaadada Madaafiic lagu riday islamarkaan ay ku dhaawacmeen dad shacab ah.

Dagaalka ayaa biloowday markii Ciidamada Somaliland ay aroornimadii hore ee saaka saddex jiho weerar kaga soo qaaday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Somaliland ayaa war kasoo saartay dagAal saaka ka dhacay Duleedka Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, halkaasi oo si weyn looga maqlay dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaaradda arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Xoogagga SSC ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidanka Somaliland ku leeyihiin duleedka Magaalada Laascaano.

Leave a Reply