Duqii hore ee Muqdisho Thaabit oo aad u cambaareeyay xarigga Weriye C/llaahi kulmiye

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa aad u cambaareeyay xarigga sharci darrada ah ee dowladda Soomaaliya ay kula kacday Weriye Cabdullahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan bahda KNN.

Guddoomiye Thaabit ayaa xusay in warbaahintu tahay tiirka afaraad ee dowladnimada, “Weriyuhu wuxuu matalaa bulshada oo dhan” ayuu ku yiri qo0raal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed.

“Warbaahinta Madaxabanaan waa awoodda 4aad ee nidaamka dowladnimo ku dhisan daah furnaan iyo isla xisaabtan. Weriyuhu wuxuu matalaa bulshada oo dhan, waana afka iyo isha muwaadiniinta. Sida ku cad shuruucda dalka iyo kuwa caalamigaba; xuriyadda hadalka iyo warbaahintuba waa xuquuq aassaasi ah oo lama taabtaan ah” ayuu yiri.

Qoraalka guddoomiye Thaabit ayaa intaasi ku daray, “Haddaba, waxaan si adag u cambaareynayaa xarigga loo geystay wariye Cabdullahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan warbaahinta madaxabanaan ee KNN.”

Ugu dambeyntii guddoomiye Thaabit ayaa ku baaqay in Weriye Cabdullahi Kulmiye xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo, “haddii wax dembi ah uu galay ay jiraan la caddeeyo, dowladduna ay ka fogaato carqaladeynta iyo caburinta shaqada wariyeyaasha iyo warbaahinta u hayaan bulshada Soomaliyeed ayuu yiri

Leave a Reply