2″ February “2023” BBC
Real Madrid 2-0 Valencia
Real Madrid ayaa 10 ciyaartoy ku garaacday Valencia waxayna Barcelona ka dhigtay 5 dhibcood hogaanka La Liga.
Los Blancos ayaa goolka la hor martay,waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Marco Asensio daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta.
Weeraryahanka reer Brazil Vinicius Jr ayaa u dabaaldegay kulankiisii 200-aad ee Madrid markii uu dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa labo daqiiqo ka dib.
Gabriel Paulista ayaa daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta kaarka cas oo toos ah loo taagay kooxda martida ahayd ee Madrid.
Antonio Rudiger ayaa mooday in uu goolka furitaanka u dhaliyay kooxda martida loo ahaa qaybtii hore ee ciyaarta markii uu madax ku dhaliyay kubbad uu soo karoosay Luka Modric.
Si kastaba ha ahaatee, goolka ayaa meesha laga saaray ka dib markii VAR ay faragelin ku sameysay Karim Benzema oo qalad ku galay Yunus Musah oo ku jiray xerada ganaaxa.
Kylian Mbappe: Weeraryahanka Paris St-Germain ayaa dhaawac ku seegaya kulanka Champions League
Weeraryahanka Paris St-Germain Kylian Mbappe ayaa dhaawac bowdada ah ku seegaya kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee ay kooxdiisu la ciyaarayso Bayern Munich.
Weeraryahanka reer France ayaa ku dhaawacmay Arbacadii 3-1 ay kaga badiyeen Montpellier, waxaana la xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo seddex isbuuc ah.
Waxa ay noqotay habeen la hilmaamo 24-sano jirkaan oo qasaariyay labo rigoore iyo gool furan ka hor inta aan lagu qasbin 21 daqiiqo ka dib.
PSG ayaa marti galin doonta kooxda heysata horyaalka Jarmalka Talaadada, 14ka Febraayo.
Mbappe ayaa sidoo kale seegi doona kulanka French Cup-ka ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Marseille 8-da February iyo kulan Ligue 1 ah oo ay la ciyaari doonto Monaco saddex maalmood kadib.
Weeraryahanka ayaa dhaliyay 25 gool 26 kulan oo uu u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan. Lugta labaad ee Bayern ayaa ka dhici doonta Germany 8-da Maarso.
Eedeymaha isku day kufsiga oo loo heeystay ciyaaryahanka Manchester United ee Mason Greenwood.ayaa meesha laga saaray
21-jirkan ayaa la xiray Janaayo 2022 iyadoo ay jiraan eedeymo ku xeeran sawirro iyo muuqaallo, Ka dib waxaa lagu soo oogay dacwad isku day kufsi, xakameyn iyo dhaqan qasab ah iyo weerar taasoo keentay dhaawac jireed oo dhab ah.
Adeegga Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in eedeymaha la joojiyay kadib markii marqaatiyaal muhiim ah ay ka laabteen ku lug lahaanshaha, Afhayeen u hadlay ayaa yiri: “Waxaa waajib naga saaran yahay inaan kiisaska ku hayno dib u eegis joogto ah.
“Xaaladdan isku darka ka-noqoshada markhaatiyaasha muhiimka ah iyo walxo cusub oo soo ifbaxay waxay ka dhigan tahay in aysan jirin rajo macquul ah oo xukun.
“Waxaan mar walba ku dhiirigelinaynaa dhibba犀利士 nayaasha suurtagalka ah inay yimaadaan oo ay u soo sheegaan booliiska, waxaanan dacweyn doonnaa meel kasta oo imtixaankeena sharci lagu kulmo.”
Saacado gudahood markii eedeymaha ay soo shaac baxeen bilowgii sanadka 2022, weeraryahanka oo hal kulan u saftay England ayaa laga joojiyay ciyaarista ama tababarka kooxda Old Trafford.
Bilayska Greater Manchester ayaa sheegay inay “cadaalad” tahay in lagu dhawaaqo in Greenwood aanu mar dambe wajihi doonin dacwad ciqaabeed.