Elon Musk ayaa dib u soo celiyay akoonnada Twitter-ka ee laga xayiray suxufiyiinta New York Times, CNN, iyo Washington Post,

17″ December, “2022” Aljazeera

Elon Musk ayaa dib u soo celiyay akoonnada Twitter-ka ee laga xayiray suxufiyiinta New York Times, CNN, iyo Washington Post, iyadoo Midowga Yurub uu ku hanjabayo cunaqabatayn uu ku soo rogayo Twitter Dheeho.com

Suxufiyiinta dib loogu soo celiyay isticmalka masraxa Twitter ka ayaa joojintoodii hore lagu sababeeyay muran ka dhashay daabacaadda xog ay dadweynaha u dusiyeen oo ku saabsan diyaaradda bilyaneerka.

Musk waxa uu sababeeyay joojinta akoonada wariyaasha ee khamiisti, isaga oo ku eedeeyay in ay halis galiyeen qoyskiisa “doxxing”, ama ay shaaciyeen macluumaadka aan shaqsi ah oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay.

Kadib waxa uu sameeyay codbixin uu ku qoray akoonkiisa Twitter-ka, isaga oo waydiinaya dadka isticmaala ilaa inta ay tahay in xisaabaadka la hakiyo- codbixintaas Waxay markii dambe muujisay in badi jawaab-bixiyeyaashu ay rabaan in akoonnada loo soo celiyo.

“Dadku way hadleen. Akoonnada ku xad-gudbay goobtayda waa laga saarayaa ganaaxooda hadda, ” Musk ayaa ku yiri bartiisa twitter-ka Sabtidii

Saxafiyiinta shaqada laga joojiyay ayaa waxaa ku jiray wariyeyaal ka kala socday The New York Times, CNN, iyo The Washington Post, waxaana dib loo soo celiyay iyadoo Joojintu ahayd mid aan hore 犀利士 loo arag sababtayna dhaleecayn badan oo uga imanaysay caalamka .

Guddoomiyaha Midowga Yurub Vera Jourova ayaa ugu hanjabtay Twitter inay cunaqabatayn ku soo rogi doonto sharciga cusub ee Adeegyada Dijital ah ee Yurub kaas oo ay sheegtay inuu u baahan yahay “ixtiraamka xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aasaasiga ah”.

“Elon Musk waa inuu ka warqabaa taas. Waxaa jira khadad cas oo cunaqabatayn, ah ,” ayay raacisay Vera Jourova

Cunaqabatayn kasta oo lagu soo rogo ganacsiga Mr Musk ee ku saabsan joojinta akoontiga waxaa lagu dabaqi karaa sharciga cusub ee adeegyada dhijitaalka ah, kaas oo uu ansixiyay Midowga Yurub horaantii sanadkan.

Joojinta xisaabaadka ayaa ka bilaabatay is afgaranwaa ku saabsan akoon Twitter ah oo lagu magacaabo ElonJet kaas oo la socday diyaaradda gaarka ah ee Musk iyadoo la adeegsanayo macluumaadka si guud loo heli karo.

Maalinta oo dhan in la i dhaleeceeyo gabi ahaanba waa fiican tahay, laakiin in la i dhaleeceeyo waxaa iiga daran goobtayda dhabta ah iyo khatar gelinta qoyskayga,” Musk ayaa ku soo qoray Twitter, isaga oo raaciyay “sharciga isku midka ah ayaa khuseeya” saxafiyiinta “sida qof kasta oo kale”.

Leave a Reply