Erdogan oo tallaabadii ugu horreysay u qaaday difaaca Badda Soomaaliya

20-July-2024″ Erdogan oo tallaabadii ugu horreysay u qaaday difaaca Badda Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo haatan tallaabadii ugu horreysay u qaaday difaaca Badda Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka dalkiisa u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in ciidamo uu ku geeyo xeebaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa daba socota heshiiskii difaaca ee ay horay u wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga , kaas oo la saxiixay bishii Febraayo ee sanadkan 2024-ka, ayada oo ujeedka uu yahay in Ankara ay la wareegto amniga iyo difaaca guud ahaan Badda Soomaaliya.

Erdogan ayaa mooshinka uu geeyay baarlamaanka ku dalbaday in la siiyo muddo labo sano ah, taas oo awood u siinaysa in Turkiga uu ciidamada baddda usoo diro Soomaaliya.

Soo daabulidda ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona madaxda Soomaaliya, waxayna dabooli doonaan amniga badda ee Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ay soo gaaraan biyaha Soomaaliya, kuwaas oo ka ilaalin doono cadow iyo kalluumaysiga sharci-darada ah.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid looga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jirtay in horaantii bishan uu Turkiga isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo, xalna laga gaaro xiisadda ka dhalatay badda, isaga oo martigeliyay wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, balse kulankooda uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Si kastaba, Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.