Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, kulanka ayaa diiradda lagu saaray Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo Safarkii ay Wakiilku ku tagtay dhawaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.
Ergayga ayaa Wakiilka uga warbixiyay dedaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wada hadlaan, kuna heshiin karaan iyo Safarkii Hayaanka Midnimada oo ay dhawaan ku gaareyn Ergayga iyo wafdi uu hoggaaminayo Magaalada Baydhabo, halkaas oo ay kulamo wadatashi ah kula soo qaateyn Madaxda iyo Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed.
Wakiilka ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kulamada Wadatashiga ah ee uu Xafiiska Ergayga ka billaabay Dowladd Goboleedyada Dalka, waxaana Wakiilka warbixin ay ka siisay kulamadii ay la yeelatay masuuliinta reer Somaliland, waxaana ay muujisay sida ay diyaar ugu ahaayen dib u bilowga wada hadalada iyo dardargalintooda intuba.