Ergayga Q/Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo ka hadashay Khilaafka aragtida doorashada mustaqbalka ee Soomaaliya

19- October,-2023″

Ergayga Qaramada Midoobey u qaa壯陽藥 bilsan Soomaaliya oo ka hadashay Khilaafka aragtida doorashada mustaqbalka ee Soomaaliya

Ka dib markii uu soo baxay khilaaf siyaasadeed oo ku aaddan doorashada mustaqbalka ee Soomaalia;ayey Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing oo hadal-jeedin ka samaysay Golaha Qaramada Midoobey ka hadashay.

Waxay sheegtay in soo jeedinta Golaha Wadatashiga Qaranka ee nidaamka doorashada mustaqbalka ee Soomaaliya uu u baahan yahay wadahadal loo dhan yahay, is-afgarad iyo sharciyad.

Dhanka kale amniga, waxa ay walaac ka muujisay saameynta dhimista ciidamada ATMIS ay ku yeelan karto dadka rayidka ah waxayna carrabka ku adkeysay baahida loo qabo qaab ATMIS.

Catriona Laing, waxay ka digtay dhibaatada sii xumaanaysa ee Soomaaliya, iyadoo ku dhowaad afar milyan oo qof ay soo food saartay cunto yari iyo 1.2 milyan oo barakacayaal ah, waxay ku baaqday in lagu bixiyo kharash dheeraad ah Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada ee 2023, kaas oo 39.4% kaliya la hela

Leave a Reply