Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Xafiiskiisa.
Kulanka dhexmaray Taliye Cabdi Xasan Maxamed iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday dhammaystirka iyo xoojinta sugidda amniga doorashooyinka dalka…
James Swan ayaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ku boggaadiyey guushii ay ku xaqiijiyeen sugidda amniga Doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho ee doorashadii Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo kuwii Banaadiriga ee lasoo gaba-gabeeyey.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay inay ka go’an tahay xaqiijinta amniga Magaalooyinka loo qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo heer gaba-gabo ah maraya.
Kulanka uu Taliye Xijaar la yeeshay James Swan iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa waxaa ku wehlinaayay Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca Kale James Swan Iyo Guddoomiyaha Amniga & Nabadda Ee Midowga Afrika Oo Ka Shiray Doorashada Somalia
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Amniga 犀利士 & Nabadgelyada ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye oo ku sugan Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga hadleen Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin muhiimada doorashada Soomaaliya, xaaladda kala guurka ee AMISOM iyo xoojinta iskaashiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay..
Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Amniga & Nabadgelyada ee Midowga Afrika ayaa tilmaamay in muhiim tahay dardar-gelinta doorashada ka socota dalka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka oo gaba-gaba ku dhow.
Danjire Bankole Adeoye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, wuxuuna socdaalkiisa kusoo aaday, iyada oo todobaadyo kaddib uu xilka ka dhammaanayo howlgalka Ciidamada AMISOM, loona diyaar garoobayo in 15 sano kaddib howlgalkii AMISOM loo bedelayo ATMIS.