20″ June “2022” Dheeho.com

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Ergeyga waxaa safarka ku wehliya, ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula oo sidoo kale ah Xiriiriyaha iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Xubno ka socda Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku diba-ridka Arrimaha Bini’aadannimo [OCHA], ayaa sidoo kale ergayga ku wehliyay socdaalka shaqo, kaasoo ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen.
Ugu horreyn ergeyga ayaa Maamulka gobolka iyo kan degmada ka dhageystay warbixinta xaaladaha abaareed ee ka taagan guud ahaan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow oo dhacda koonfurta Soomaaliya.
Ergeygu wuxuu kormeer ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla gudaha iyo duleedka magaaada, Sida; Xerada Kabaaso, oo barakacayaasha ku jiraa u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah oo u baahan gargaar iyo garab istaag degdeg ah.
Doolow waa magaalo marti-galinaysa kumannaan qoys oo abaaruhu ceyrteeyeen, kadib afar xilli roobaad oo baaqday. cunto yarida iyo nafaqo-xumada ayaa la filayaa inay ka sii darto, haddii gargaarka bini’aadannimo aan kor loo qaadin lana joogteyn.