Ergeyga gaarka ah ee M/Weynaha Somalia u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa sharaxay Saamaynta xun ee isbedelka cimiladu ay ku leeyahay bulshooyinkeena

24″ December “2022

C/raxmaan C/shakuur ayaa ku baaqay in loo Baahan yahay Saamaynta xun ee Isbedelka cimiladu ay ku leedahay bulshooyinkeena in loo arko arin dhibaato ku ah Amniga Qaranka Dheeho.com

Ergeyga gaarka ah ee Madaxwynaha Somalia u qaabilsan gurmadka abaaraha Cabdiraxman Cabdishakuur oo sharaxaad ka bixiyay saamaynta xun ee isbedelka cimiladu ay ku leeyahay bulshooyinkeena ayaa sheegay in uu tahay khatar sii kordheysa

Ergeyga ayaa xusay xaalufinta dhirta, roobabka aan la isku hallayn karin, kulaylka xad-dhaafka ah iyo abaaraha soo noqnoqda in ay dalka u jiideen dhibaato deegaan oo aad u daran oo somalia ay wajahday.

Niyad jabka beeralayda ay abaartu ku qasabtay in noqdaan kuwo aan waxba tabcan karin ayaa horseed u noqtay khalkhalka sugnaan la,aanta cuntada ayuu yiri C/axmaan C/shakuur oo ku baaqay in saameeynta xun ee isbadelka cimilada in loo tixgaliyo inay tahay arrin amni qaran.

Leave a Reply