Ergeyga M/Weynaha Somalia u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo Hambalyeeyay shirkadda Hormuud Telecom !!

16″ December “2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Dr: C/raxman C/shakuur Warsame ayaa ugu Hambalyeeyay shirkadda Hormuud Telecom ka qayb-qaadashadeeda howlaha lagu caawinayo dadka soomaaliyeed ee abaaruhu ay la soo darseen

Ergeyka ayaa si gaar ah u xusay hay,adda ka farcantay Hormuud Telecom ee Hormuud Salaam Foundation Isaga oo yiri waxay nagala qaybgashay gurmadka abaaraha wax badan

Dr C/raxmaan C/shakuur oo ku jira qaylodhaan uu ku doonayo in uu Indhaha caalamka u soo jeediyo Somalia tan iyo markii la magacaabay 5-bilood ka hor ayaa sidoo kale u mahadceliyay dhammaan hay,addaha iyo dalalka garab istaagay somalia waqtigan adag,

Ergeyga gaarka ah Madaxweynaha Somalia u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa gaar-ahaan xusay Mareykanka oo si degdeg ah uga soo jawaabay dhibaatada abaarta Somalia oo sii ordeeysa xiligii Afaraad

” Runtii waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dalalkii na garab istaagay waqtigan adag, gaar ahaan Mareykanka oo si degdeg ah uga soo jawaabay oo nagu deeqay in ka badan kala bar gargaarkii nalala soo gaaray sanadkan, isla markaana dhaqaale dheeraad ah yaboohay in uu somalia siinayo sanadka soo socda ayuu yiri ” Dr Cabdiraxman Cabdishakuur

Dowlada Maraykanku oo isugu dayaysa in ay joojiso macluusha Soomaaliya-Si loo sii wado daboolidda baahiyaha degdegga ah, ayaa ku dhawaaqday in ay Somalia siinayso $411 milyan oo dheeri ah, taas oo ka dhigeysa wadarta guud ee kaalmada Mareykanka ee ~$1.3 bilyan sanadka soo socda

Leave a Reply