4″ May “2021
Ergeyga Qatar oo farmaajo Soo Gaarsiiyay Fariin qoraal oo uu ka sido Amiirka labaad ee Qatar Sheekh Tamim bin Xamad, ayaa farriin qoraal ah u diray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee dowladda Qatar.
Qoraalka “wuxuu ku saabsanaa xiriirka labada dal iyo sida loo xoojin karo, loona sii wadi karo”, ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay Qatar News Agency.
“Waxaa intaa dheer, arrimaha siyaasadeed ee dhowaan ka soo kordhay Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in lagu guuleysto dib u heshiisiin qaran si loo garto xasilinta dalka”.
Warbixinta qoraalka ah ee dowladda Qatar waxaa lagu sheegay in farriinta Amiirka loo sii dhiibay Ergeyga gaarka ah ee Mutlaq Al-Qaxtani, oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay Muqdisho.
“Wuxuu warqadda ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya, markii uu kula kulmay Muqdisho”, ayaa lagu sheegay qoraalka Qatar
Ergeyga gaarka ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada dalka Qatar Mutlaq Al Qahtani ayaa fariin qoraal oo uu ka sidey Amirka Labaad ee Qatar Sheekh Tamim bin Xamad u gudbiyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynah muddo xileedkiisu uu dhamaaday.
Wakaaladda Wararka ee dowladda Qatar ayaa sheegtay in fariinta ay ku saabsanayd sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka, loona sii wadi kari lahaa.
“Waxaa intaa dheer, arrimaha siyaasadeed ee dhowaan ka soo kordhay Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in lagu guuleysto dib u heshiisiin qaran si loo garto xasilinta dalka”.ayaa lagu yiri qoraalka ay daabacday Qatar News Agency.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in farinta gacanta laga saaray Farmaajo kadib markii ay kulmeen ergeyga gaarka ah ee Al Qahtani.
Hase yeesheee dowlada Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda si rasmi ah u shaacin inay kulmeen Farmaajo iyo Qahtani