BBC-Dowladda Eritrea ayaa walaac ka muujisay is-fahamkii dhawaan dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo xal loogu raadinayey khilaafka u dhexeya labada dal.
La taliye u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa ka digay halista ay yeelan karto in Itoobiya ay saldhig ak hesho badda Cas.
Cabdulqaadir Idiris oo wasaaradda Arrimaha Dibedda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya iyo Afrika, ayaa BBC u sheegay in madmadow badan uu ku jiro heshiiska Itoobiya iyo soomaaliya ee Ankara lagu saxiixay.
Waxaa uu sheegay in heshiiskii u dambeeyay ee ay la galeen dowladda Soomaaliya uu ahaa mid ay Masar Eretria iyo Somaaliya ay isku afgarteen in badda Soomaaliya la difaaco.
“Heshiiskeenii u dambeeyay ee aan wada-galnay ee anaga, Masar iyo Soomaaliya wuxuu ku saabsanaa badda Soomaaliya oo ay Itoobiya soo haweysatay inay qaadato badda Soomaaliya inaan wada difaacno,”, ayuu yiri Mr Cabdulqaadir.
doonto, balse heshiiska ay la gashay Itoobiya uu iyaga ula muuqdo mid lagu deg-degay.
“Marka aan ka hadalno mowqifkeena, Soomaaliya waa dowlad madaxbanaan cid kasta waa la heshiin kartaa, ciddii cadow ku ahayd maanta waa la heshiin kartaa waa dowlad madaxbanaan laakiin heshiiskaasi waxaan u aragnaa inaga dhanka ka shacab ahaan iyo Eritrea waxan u aragnaa heshiis ay ku degdegtay dowladda Soomaaliya wax badan oo madmadow-na uu ku jiro” ayuu intaa ku daray.
Cabdulqaadir Idiris la taliyaha arrimaha Soomaaliya iyo Afrika, ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa farta ku fiiqay in Itoobiya aysan doonayn bad ay kireysato, balse ay doonayso saldhig ay badda cas ka sameysato.
‘Waan ka fiirsanaynaa xiriirka Soomaaliya’
Waxaa uu ka digay in haddii Itoobiya saldhig ciidan laga siiyo badda Soomaaliya ay ka fiirsan doonaan xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.
“Itoobiya ma rabto bad ay kireysato ma doonayso bad ay u adeegsato sida Jabuuti ama Mombasa, bad ay kireysato ma doonayso ee waxay doonaysaa meel ay militari ahaan dagto laakiin haddii ay Soomaaliya ogolaato in ciidan Itoobiya oo militari ah ay dhigto meesha markaas ayaan xiriirka Soomaaliya ka fiirsanaynaa” ayuu yiri Mr Cabdulqaadir.
Cabdulqaadir Idiris la taliyaha arrimaha Soomaaliya iyo Afrika, ayaa carabka ku adkeeyay in halis amni ay u arkaan in Itoobiya ay cagaha soo galiso badda Cas.
“Haddii Itoobiya loo ogolaado in badda Cas ay cagta soo galiso oo galaangal ay hesho anaga khatar ayaan ku suganahay waa inaan difaac ka galnaa meesha, anaga wax ganacsi ah haddii ay Itoobiya iyo Soomaaliya dhexmarayaan waxbo kama qabno” ayuu yir Mr Cabdulqaadir.
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa magaalada Ankara kaga dhawaaqay 13 December in ay ka heshiiyeen khilaafkii diblamaasiyadeed ee u dhaxeeyay 11-kii bilood ee lasoo dhaafay.
Khilaafka ayaa ka dhashay is-afgarad ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid kuna tilmaantay weerar ka dhan ah madax banaanideeda dhuleed.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen 12 bishii October ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in dalalkan ay sare u qaadaan iskaashigooda dhinaca ammaanka, xasilloonida gobolka iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.