Ethiopia :-Dowladda oo Sheegtay In Ay Baari Doonto Muqaalka Askar Gubtay Dad Shacab Ah

12″ March “2022” https://allafrica.com/

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada oo laga soo duubay dalka Itoobiya ayaa muujinaya rag hubeysan oo qaarkood wata dareeska ciidamada oo dad shacab ah ku gubaya galbeedka dalkaasi, Iyadoo maamulka Adisababa uu shaaciyay maanta oo Sabti ah in la baari doono dadkii falkaasi ka dambeeyay,

“Waxa dhawaan dhacay fal argagax leh oo ka baxsan bini’aadantinimada… Muuqaalo naxdin leh oo lagu faafiyay baraha bulshada, dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa lagu gubay nolosha,” ayaa lagu yidhi qoraal ay soo dhigeen boggooda Facebook-ga ee dawladda Itoobiya.

Shilkan ayaa ka dhacay deegaanka Ayisid oo ka tirsan deegaanka Metekel ee gobolka Benishangul-Gumuz, sida ay wararku sheegayaan. Boqolaal qof ayaa aaggan ku dhintay rabshado isir ah sannadkii la soo dhaafay. Tani waxay ka duwan tahay dagaalka sokeeye ee hadda u dhexeeya Jabhadda Xoraynta Shacabka壯陽藥 Tigraay (TPLF) iyo ciidamada dawladda Itoobiya.

Ma jiro xog dheeraad ah oo ku saabsan goorta ay tani dhacday, ama cidda mas’uulka ka ahayd.

“Iyadoo aan loo eegin halka ay ka soo jeedaan ama haybtooda, dowladdu waxay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doontaa kuwii ka dambeeyay falkan foosha xun ee bini’aadantinimada ka baxsan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Fiidiyowgu waa la xaqiijin kari waayay Dadka ku labisan dareeska muuqaalka ayaa waxaa ku jira dareeska ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee gobolka.

Dowladda Itoobiya iyo afhayeennada milateriga kama aysan jawaabin codsiyo ay ku dalbadeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Leave a Reply