1 ” April “2021”
Maleeshiyaad ka tirsan Jamhada Oromada Itoobiya ayaa lagu eedeeyey dilka dad rayid ah oo gaaraya 30 qof oo u dhashay qowmiyada Amxaarada, xili ay sii xoogeysanayaan dagaalada u dhaxeeya labadaasi qowmiyadood.
Weerarkan ayaa habeen hore ka dhacay deegaanka Galbeedka Wollega oo ka tirsan degmada Babo-Gembel ee Ismaamulka Oromada.
Weerarkan ayaa dhabar jab ku ah dadaalkii dowlada Federaalka Itoobiya ay dooneysay inay ku joojiso xiisadaha u dhaxeeya qawmiyadahaasi kuwada nool dalka Itoobiya, xili aan weli xal loo helin dagaalada ka socda ismaamulka Tigray.