Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
15″ Aug”2022″
Maleeshiyada hubaysan ee ka soo jeeda gobolka Canfarta ayaa weerar ku qaaday magaalada Andhufo, taasoo ah tii ugu dambaysay ee ka dhalatay muran xuduudeed oo soo kordhinaya xiisado balaadhan oo ka jira dalka Itoobiya.
Mas’uul u hadlay gobolka Soomaalida oo ku dherersan waqooyi iyo koonfurta xuduudka bari ee Itoobiya ayaa laga soo xigtay in maleeshiyaadka Canfarta ay “20 qof oo rayid ah ku xasuuqeen magaalada”.
Sargaalka ayaa intaa ku daray in dadka la dilay ay isugu jiraan haween iyo dad isku qoys ah oo ku dhintay weerarka ay qaadeen maleeshiyaadka Canfarta.
Sidoo kale waxaa la sheegay in dadka qaar si arxan darro ah isku mar loo laayay, taasoo murugo iyo xanuun ku reebtay eheladooda.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Canfarta iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Colaadda qowmiyadeed ayaa dalka ku soo badanaysay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Tigray-ga.
DABAYAAQADII SANADKII HORE 100 QOF AYAA LAGU DILAY ISKA HOR,IMAADYADA CANFARTA IYO SOMALIDA ETHIOPIA
Isku dhacyada xudduudda ee u dhexeeya gobollada Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya ayaa lagu dilay ugu yaraan 100 qof, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan gobolka, rabshadihii ugu dambeeyay
Ku dhawaad 100 qof oo rayid ah, oo intooda badan ay yihiin xoolo-dhaqato, ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay Jimcihii oo socday ilaa Talaadadii, Axmed Xumed, oo ah taliye ku xigeenka booliiska gobolka Canfarta, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay khadka taleefoonka. Rabshadahaas ayuu ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen weerar ay soo qaadeen ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida
Read the original article on Shabelle.