Ethiopia oo Beenisay Sheegashada Dhexdhexaadinta Uganda Ee Ku Aadan Colaadda Tigray

15 November ADDIS ABABA (REUTERS) – Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay maanta oo isniin ah in aysan jirin wax dhex dhexaadin ah oo ku aadan colaada Tigray oo ka bilaabaneysa dalka Uganda

Wararka dhaxdhaxaada ayaa yimid markii ay Saxaafada ay isla dhexmareen in wadahadalo uu ka bilaabanayo dalka Uganda si, loo hakiyo colaada mid ka mida dalalka africada bari ugu dadka badan .

“Sheegashada dhexdhexaadinta ee ka socota Uganda run maahan,” ayey tiri gudiga dowlada u xilsaartay colaada Tigray, iyadoo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu bartiisa Twitterka ku soo qoray in uu la kulmay wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya wuxuuna ku booriyay wadahadalada.

Hadal,haynta dhexdhaxaadinta ayaa waxaa sidoo kale sii xoojiyay markii qaar ka mid ah saraakiisha Uganda ay u sheegeen wakaalada wararka ee AFP in madaxweyne Museveni uu qorsheynayay in uu martigaliyo labada dhinac wadahadal macquul ah.

Redwan Hussein, afhayeenka gudiga howshan ayaa sheegay in Adisababa ay sii wadi doonto la dagaalanka xubnaha khaldan ee kooxda TPLF si loo hubiyo inay sharciga wajahayaan.

XAYEEYSIIN “

BURUUJ CONSTRUCTION COMPANY REAL STATE

Leave a Reply