26″ October “2022

Iyadoo maalintii labaad loo fadhiyo magaalada Pretoria ee dalka South Afrika wada hadalo nabadeed oo la doonayo in lagu soo afjaro colaada Itoobiya, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dagaallo culusi ay ka socdaan dhowr jiho oo gobolka Tigray ah.
Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, mid waqooyi-galbeed ka xiga, labana waxay ka xigaan koonfurta caasimadda gobolka Mekelle, dowladdu waxay sheegtay dagaalka in la soo afjarayo iyadoo mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidamada maamulka Abiy uu sheegay in colaadda la daminayo.
Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Tigreega ayaa BBC-da u sheegay in iska horimaadka ka dhacay meel u dhow magaalada Adwa uu ahaa mid aad u culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Wariyaasha ayaa sheegaya in natiijada dagaalka halkaas ka dhacay ay go’aamin karto cidda maamulaysa labada waddo ee aada magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in iska hor imaadyo ay ku lug lahaayeen ciidamo ka socda dalka ay dariska yihiin ee Eritrea oo ku dhow xadka gobolka Canfarta.
Ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda Eritrea ayaa dhawaan la wareegay magaalooyin waaweyn oo Tigray ah oo ay ka mid yihiin Shire, Aksum iyo Adwa xili indhaha caalamku uu ku fooraro wadahalka maalintiisii labaad galay ee south Africa
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay in dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreygu ay bilaabeen wada-hadallo lagu soo af-jaray dagaalka halakeeyay dalka labaad ee Africa ugu dadaka badan
Moussa Faki waxa uu 壯陽藥 sheegay in uu “ku dhiiri galiyey muujinta sida ay uga go’an tahay nabadda” wadahadallada ka socda Koonfur Afrika.
Dhexdhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ay magacaabeen ayaa kala ah madaxweynayaashii hore ee Nigeria iyo Kenya, Olusegun Obasanjo iyo Uhuru Kenyatta siday u kala horreeyaan, iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.
Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo urur goboleedka Bariga Afrika, Igad, ayaa maqaam goobjooge ah ku lahaa wadahadalka, ayuu Mr Faki ku daray.