Ethiopia oo ku Eedeeysay Madaxa WHO Dr Tedros In uu Taageeray Hogaamiyaasha Tigray

https://www.bbc.com/news

Abaanduulaha ciidamada Ethiopia ayaa ku eedeeyey madaxa hay’ada caafimaadka aduunka inuu u ololeynayo taageerida Jabhada Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) ee dagaalka kula jirta ciidamada federaalka

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus waa Tigrayan wuxuuna ahaa wasiirka caafimaadka dowladii hore ee Itoobiya ee ay hogaamineysay kooxda TPLF.

Xayeeysiin”

Isgaarsiin Casri Ah ,Adeeg Banking Iyo Amaanada Taaj

Gen Berhanu Jula ayaa shirkiisa Jaraaid ku sheegay in Dr Tedros “uusan dhagax uga tagin” inuu taageero kooxda TPLF kana caawiyo sidii ay hub ugu heli lahaayeen.

“Kama fileyno inuu garab istaago Itoobiyaanka oo uu cambaareeyo dadkan, wuxuu sameynayay wax walba oo uu ku taageerayay, wuxuu u ololeeyay in dowladaha deriska ah ay cambaareeyaan dagaalka” ayuu yiri Gen Berhanu, sidaasoo at tahayna

Ma uusan soo bandhigin wax cadeymo ah oo lagu taageerayo eedeymahiisa.

Kadib markii loogu codeeyay inuu noqdo madaxa WHO sanadkii 2017, Dr Tedros wuxuu caan ku noqday bilawgii cudurka coronavirus waxaana hada la dhihi karaa waa qofka ugu sareeya ee Tigreega ah ee dibada jooga.

Dhanka kale, kaaliyaha siyaasadda arrimaha dibedda ee la doortay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka codsaday labada dhinac inay dagaalka joojiyaan.

Antony Blinken ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray “Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay dhibaatada bini’aadanimo ee ka jirta Itoobiya, warbixinada rabshadaha qowmiyadaha lala bartilmaameedsaday, iyo halista nabada iyo amaanka gobolka.”

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ka digtay in dhibaato bini’aadanimo oo buuxda ay soo if baxeyso.

In ka badan 30,000 oo qof ayaa ka soo tallaabay xadka Itoobiya iyo Suudaan.

Kumanaan rayid ah ayaa sii wada inay ka qaxaan xadka, sida uu sheegay wakiilka Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, Axel Bisschop oo u warramay barnaamijka Newsday ee BBC-da

“Waxaan la hadlay bangi, qaar ka mid ah macallimiinta, shaqaalaha caafimaadka, dhammaantoodna waxay dhaheen inay aad u khatar badan tahay inaan halkaas joogo … wayna lugeeyeen,” ayuu yiri.

Khilaafku muxuu ku saabsan yahay?

TPLF ayaa xukumaysay militariga iyo siyaasada Itoobiya tobanaan sano kahor kahor inta uusan Abiy Ahmed raiisul wasaare noqonin 2018.

Wuxuu ku riixay dib u habeyn weyn oo dadka qaarkii ay sheegeen inay dhinac ka mareen kooxda TPLF.

Colaadan ayaa cirka isku sii shareertay bishii Sebtember markii ay Tigray qabatay doorasho gobaleed, ayagoo diiday amarkii guud ahaan laga mamnuucay dhamaan codbixinadii lagu soo rogay cudurka coronavirus.

Shan shay oo ku saabsan Tigray:

Boqortooyada Aksum waxay xudun u ahayd gobolka. Waxaa lagu sifeeyey mid ka mid ah ilbaxnimooyinkii ugu waaweynaa ee soo maray dunida hore, waxay mar ahayd dowladdii ugu xoogga badneyd ee u dhexaysay boqortooyooyinkii Roomaanka iyo Beershiya.

  1. Burburka magaalada Aksum waa goob UN Heritage ay leedahay. Goobta, oo ka bilaabmaysa inta udhaxeysa Qarnigii 1aad iyo 13aad ee AD, waxaa ku yaal dhismayaal waaweyn, qalcado, qabriyo boqortooyo iyo kaniisad ay dadka qaar aaminsan yihiin in lagu xareeyo Sanduuqa Axdiga.
  2. Inta badan dadka kudhaqan Tigray waa Kiristanka Orthodox-ka Itoobiya. Xididdada Masiixiyiinta ee gobolku waxay dib u fududaan 1,600 sano.
  3. Luuqada ugu weyn ee gobolka waa Tigrinya, oo ah lahjad Semitic ah oo ugu yaraan toddobo milyan ku hadla adduunka.
  4. Sisinta waa dalag lacageed oo aad u tiro badan, loona dhoofiyo Mareykanka, Shiinaha iyo dalal kale.
Buruuj Construction Company

Leave a Reply