Faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan qasaaraha qaraxii Maqaayadda Blue Sky

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo  baxaya qarax xooggan oo ka dhacay   galabta Maqribnimadii Magaalada muqdisho, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaare Dhimasho iyo dhawaac leh.

Qaraxa oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxayaabaha  qarxa ayaa la sheegay ka dhacay Maqaayad ka agdhaw Koontorool si gaar ah loo ilaaliyo, waxaana   uu isku qarxiyay Maqaayad lagu  magacaabo Blue-SKY oo sida la sheegay aad u masxhquul badnayd goorta uu qaraxu dhacay.

Khasaare kaal duwan ayaa ka dhashay Qaraxa, waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qaraxaan uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay seddex qof oo uu ku jiro wiil yar oo caseeye ah kaasi oo sida la sheegay ilaa hadda aan la aqoonsan, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 7 ruux.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay goobaha caafimaadka, waxaana dhaawacyada isugu jiraan kuwo fud-fudud iyo kuwo culus intaba.

Dhanka kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxa, waxaana sheegtay  in qof ismiidaamiye ah uu isku qarxiyey Banaanka Maqayadda Blue Sky “3 Qof ayaa dhimatay 7 kalana way ku dhaawacmeen kadib markii Qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa uu isku qarxiyey Banaanka Maqayadda Blue Sky, dadka dhintay waxaa ku jira Ilma yar oo Caseeye ah oo illaa hadda aan Meydkiisa la aqoonsan.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah mid si weyn loo adkeeyo ammaan keeda, waxaana maqaayadda ay ku taalla bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay ka aq dhawyihiin goobo kale oo ammaankooda la ilaaliyo

Maamulka Gobolka Banaadir Oo War Kasoo Saaray Qaraxii Maqaayadda Blue Sky

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii ay dowladdu sheegtay in  Al-shabaab ka fuliyeen goob ay ku qaxweeyan bulshada.

Guddoomiyaha Cumar Filish ayaa yiri “Waxaan murugada iyo xanuunka la wadaagayaa  ehellada dadkii qiimaha badnaa ee ku dhintay falkii waxuush nimada ahaa oo ay dagaalamayaasha Al-shabaab galabta ka geesteen Maqaaxida Blue Sky, Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan oo ay caadeysteen Al-shabaa

Leave a Reply