Wararka aan ka heleyno deegaano hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanada Basro iyo Daniga oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana dhacay dagaal saacado badan qaatay.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dagaalka la isku adeesgaday hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlayay degmada Balcad, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada soo kala gaaray, In kastoo aan faah faahin laga bixin.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in weli xiligaan mararka qaar la maqlayo dhawaqa rasaasta labada dhinac, waxaana aad u adeg in xog laga helo dagaalkaas, maadama uu yahay mid xoogan, dadkuna aysan Agdhawaan karin aagaas oo dhan.
Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerar dhabba-gal ah ay la eegteen Ciidamo Huwan ah, xili ay socdaal ku marayeen inta u dhexeeysa deegaanka Basra iyo degmada Balcad.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas lagu gubay gaari nooca dagaalka oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, isla markaana weerarka uu kasoo gaaray dhimasho iyo dhaawac.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan dagaalka Khasaaraha geystay ee ka dhacay deegaano hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe