3″ April “2021 MUQDISHO” CUSBOONEEYSIIN”
Taliska Booliska Oo Shaaciyay Khasaaraha Qaraxii Is-Miidaaminta Ee Muqdisho
Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax Is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa siweyn looga maqlay degmooyinka Gobolka.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas dhacay uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha Qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku qaraxiyay Maqaayad shaaxa laga cabo oo ku taalla xaafadda saddexda geed gaar ahaan meel ku dhow Saldhiga degmada Shangaani.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah ayaa ka dhashay Qaraxaas Caawa ka dhacay Muqdisho, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah oo qaaday dhaawacyo.
Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 6 Ruux oo 4 dhalinyaro ay tahay uuna ku jiro Wiil Saqiir ah iyo Ninkii isku qarxiyay Maqaayada, isla markaana waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo la geeyay Xarumo Caafimaad.
Qarax xoog leh oo jugtiisa Caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay meel ku dhow Xarunta degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaas oo ahaa mid uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha Qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku qaraxiyay Maqaayad shaaxa lagu cabo oo ku taalla xaafadda saddexda geed ee Shangaani.
Dad goobta ku sugan oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin
Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa la sheegay in halkaas ay ka qaadeen Meydad iyo dad qaba dhaawacyo, kuwaasi oo la geeyay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoona gaadiidka iyo dadka u diidaya inay goobta ka Agdhawaan, waxaana sidoo kalena ay wadaan baaritaano.
Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaa weli wax war ah kasoo saarin qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ee Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow Xarunta degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.