Faah Faahin:-Rasaas Xoogan Oo Weli Laga Maqlayo Hotel Afrik Oo Weerar Lagu Qaaday

31″ January “2021

Warar kala duwan ayaa lag helayaa Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahan waddada aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aaddan Cadde, waxaana Qaraxu uu si gaar ah uga dhacay Iridda hore ee Hoteel  Afrik.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay Iridda hore ee Hotel Afrik, iyadoona rag hubeysan ay gudaha u galeen Hotelka oo weli ka dhex dagaalamayaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin, maadaama uu dagaal toos ah dhexmarayo ragii weerarka soo qaaday iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo doonaya inay howlgalka soo afjaraan.

Qaraxyo kale oo ilaa labo qarax ah, kuwaasi oo si xooggan looga maqlay Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xiliga hoteelka la weerarayay ay ku sugnaayeen Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah oo qaarkood laga soo saaray gudaha Hotel Afrik, halka dad kale ay weli ku go’doosan yihiin halkaas

Leave a Reply