12″ April “2023” Muqdisho
Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howl-gal ay ciidanka Badda Somalia , ay ku soo qabteen 2 doon oo kaluumeeysi sharci daro ah ka waday biyaha Somalia
Doomahan ayaa waxay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka, sida uu sheegay taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse.
“In ka badan 30 sano ayay doomahaan laga leeyahay Iiraan si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya,” ayuu yiri Taliye Mubaarak Cabdiqani Muuse
Labada doon ee ay qabteen ciidanka badda ayaa waxay dowladda federaalka sheegtay in laga leeyahay dalka Iiraan, kadib markii xogo ku filan ciidamada badda ay soo diyaariyeen, si loo horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh kiiskooda.
Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka Soomaaliya.
Horranta bishii hore ayay aheyd markii ay dowladda federaal壯陽藥 ka Soomaaliya ay digniin kasoo saartay maraakiib laga leeyahay waddamada shisheeye ee sida sharci daradda ah uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee XFS ayaa xilligaasi ku wargelisay dalalka ay maraakiibtoodu ku jiraan biyaha Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan badaha dalka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa hore waxay maraakiibta dalalka shisheeye uga dalbatay inay soo celiyaan hantida ay sida sharci darada ugu qaateen dalkeena, “Haddii kale waxaan la’la tiigsan doonaa sharciga.”