Faah-faahino ka soo baxaya duqeymo ka dhacay gobolka Gedo

8- September-2023

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo xoogan ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan aagga degmada Ceelwaaq.

 Duqeymaha ayaa saacadihii ugu dambeeyay ciidamada Kenya waxa ay ku garaaceen deegaano ay ka mid yihiin Khadiijo Xaaji iyo Faxfax-dhuun oo dhammaan hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in duqeyntaas ay saameyn ku yeelatay dadka deegaanka ee ku dhaqan goobaha la duqeeyay, kuwaas oo u badan dad xoolo dhaqato ah.Sidoo kale ma cadda khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkaasi dhanka cirka ah ee ay Kenya ka fulisay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

犀利士 15px; line-height: 26px; margin-top: 0px; margin-bottom: 26px; overflow-wrap: break-word; white-space-collapse: collapse;”>Ujeedka bartilmaameedka duqeyntan waxaa lagu sheegay mid ka dhan ah xubnaha Al-Shabaab oo iyagana ku sugan agagaarka deegaanada ay ka dhacday duqeynta ee aagga magaalada Ceelwaaq.Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ama maamulka gobolka Gedo ee ku aadan howlgalkaasi,

Ha

atan cabsida ugu xoogan ay soo wajahday dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.Kenya ayaa kamid ah dalalka dariska ah ee qaybta ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxayna sidoo kale ciidamo ka joogaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland

Leave a Reply