15- August-2023
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo ay saaka rag hubeysan ku qaadeen xarun ganacsi oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dhismaha la weeraray oo ay leedahay shirkadda qalabka guryaha ee Suurad ayaa waxaa lagu dhuftay dhowr bam-gacmeed, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Wararka ayaa sheegaya in weerarkan uusan geysan wax khasaare nafeed ah, balse uu sababay khasaare hantiyeed, sida aanu ka soo xiganay dad goobjoogayaal ah.
Kooxda weerarka fulisay aya goobta isaga baxsatay, waxaana goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland oo howlgal ka sameeyay halkaasi.
Ma’ahan markii ugu horreysay ee shirkaddan qarax lala eegto, waxayna aheyd 17 July ee sanadkii hore 2022-kii markii sidaan oo kale loo weeraray xarun ay ku laheyd bartamaha suuqa magaalada Boosaaso, kaas oo uu ku dhaawacmay ugu yaraan hal qof, ayada oo sidoo kale burbur uu soo gaaray xaruntaasi.