Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
14- April-2024

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen aagga degmada Buulo-burde ee gobolkaasi, taas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab.
Weerarkan oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah oo kaashanaya ciidamada dowladda ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jicibow oo 20 KM u jira degmadaasi.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay.
Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la burburiyay saldhig ay kooxda ku lahayd halkaasi, lana gubay dhammaan wixii u yiilay halkaasi.
Hiiraan ayaa kamid ah gobollada ay si wayn uga socdaan howlgallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab, waana halka kasoo billowday kacdoonka shacab ee lagula jiro Al-Shabaab.