Faahfaafin dheerada oo ka soo baxaysa howlgal ciidan oo lagu fuliyey markab ay shalay afduubeen burcad baddeed Soomaali ah

War qoraala oo ay maanta soo saareen howlgalka Atlanta ayey ku sheegeen in howlgal ciidan ay ku qaadeen markabka oo ilaa shalay uu ku gaafwareegayey Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Howlgalka Atlanta ayaa xaqiijiyey in ciidamadoodu ay gudaha u galeen markabka ayna hubiyeen in shaqaalaha saarnaa markabka ay badqabaan isla markaana aysan jirin koox burcad baddeed ah oo saarnaa markabka xilliga ay howlgalkooda ku guda jireen sida qoraal ay soo saareen ku sheegeen.

Ilaa 17 shaqaale oo an wali la shaacin dalalka ay ka soo kala jeedaan ayaa saarnaa markabka MV BASILISK, balse mid ka mida shaqaalaha ayaa dhaawac soo gaaray intii kooxda burcad baddeeda loo malaynayo ay weerarku ku hayeen markabka, sida ay EUNAVFOR ATALANTA STRATCOM xaqiijiyeen.

‘‘Qofka dhaawaca ah ayaa hadda xaaladiisu caafimaad ayaa aad u wanaagsan, wuxuuna helay daryeel caafimaad oo ay u fidiyeen kooxda caafimaadka ee ATALANTA.”ayaa qoraalka la raaciyey

Maxaa ka cusub Markabka

howlgalka

Sawiro ay soo bandhigeen howlgalka ATALANTA, ayaa muujinaya diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo dul taagan iyo ciidamada oo gudaha u galaya markabka.

Howlgalku wuxuu sheegay in raggii weerarka ku qaaday markabka ay ka baxeen ka hor intaysan markabkooda dagaalku ku soo dhowaan MV BASILISK.

‘‘Markabku waa xor hadda wuxuuna sii wadanayaa safarkiisa isagoo ku sii jeeda dekada xigta ee qorshihiisa” ayaa qoraalka ATALANTA lagu yiri.

Markabka ayaa ka soo safray magaalada dekadda leh ee Mindelo oo ku taal waqooyiga jasiiradda São Vicente ee dalka Cape Verde isagoo ku sii jeeday dakadda Jabal Cali ee dalka Imaaraadka Carabta.

Haddda lama oga dakadda xigta ee uu ku xiran doono markabka MV BASILISK ka dib markii laga hortagay weerarka lagu qaday galinkii danbe ee shalay.

howlgalka atlanta

Weerarada Burcad baddeeda

Intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2018, budhcad badeeda Soomaalida waxay dhibaato ka geysteen biyaha xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamigaa, waxayna weeraradoodu halis galiyeen ganacsiga dunida.

Laakiin waxay dib howlgaladooda u soo celiyeen sanadkii hore markaas oo tiro aan badnayn maraakiib ganacsi ay ka soo afduubeen biyaha caalamiga sida ay sheegeen haya’addaha ammaanka ee Puntland.

Maraakiib ganacsi oo ka mid ahaa MV Abdullah oo laga leeyhaya dalka Bangaladesh iyo MV RUEN yaa laga leeyahay dalka Bulgaariya balse ku gooshayey calanka dalka Malta ayaa ku dhacay gacanta burcad Baddeeda Soomaalida.

Hase yeeshee Ciidamada badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilooda gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida aybaahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya

howlgalka atlanta

Leave a Reply