11″ Dec”2021 Jowhar
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay ilaa dhowr kalana way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Jowhar ee gobalka sh/dhexe ee Hirshabeelle.
Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad ay dadku fariisteen waxaana dadka dhaawacmay ka mid ah xildhibaano ka tirsan mamaulka hirshabeelle.
Haddaba si aan u helno faahfaahin dheeraad ah ayaan qadka telefoonka kula xiriirnay Bshiir Xasan Carrabay oo ah taliyaha saldhiga booliska degmada Jowhar.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Xildhibaano iyo dad shacab ah.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad lagu shaah cabo oo ku taalla xaafadda kulmis ee Jowhar, waxaana qaraxaas uu dhacay xili goobta ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle iyo dad shacab