Faahfaahinta waxa ay ka wada hadlayaan hay’adaha amniga garoomada Mareykanka iyo Soomaaliya ee la xiriira duulimaadyada

10-July-2024

Waxa maalintii labaad Muqdisho ku sugan saraakiil ka socota Hay’adda Amniga duulimaadyada Maraykanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (TSA), waxayna kulamo la leeyihiin xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya iyo maamulka garoonka Aden Cabdule ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ka socoto Hay’adda Amniga Duulimaadyada Maraykanka ayaa u kuur galaya, isla markaana qiimeyn ku sameynaya amniga garoonka Muqdisho si mustaqbalka loo gaaro in duulimaadyo toos ah oo ka baxa garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle uga dagaan garoomada Maraykank

Booqashada xubnaha ka socda TSA ayaa noqonaysa tii sedexaad, waxayna mar walba u kuur galayeen amniga iyo badqabka garoonka Aden Cabdulle, iyagoo markasta oo ay laabtaan warbixin soo siinayay Hay’adda Duulista Rayidka, warbixintaas oo isugu jirta dulduleelooyinka jira iyo talooyin la xiriirra sidii loo xalin lahaa.

TSA ayaa ka dooneysa garoomada Soomaaliya gaar ahaan ka Muqdisho in uu lahaado hannaanka caalamiga ah ee amniga garoomada.

Cabdiwali Ibraahim Aadan oo ah Maareeye Kuxigeenka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa BBC-da u Sheegay in muddaba uu jiray xiriirka u dhaxeeya labada hay’adood, taasoo keentay in laftigoodu aqoon kororsi u tagaan Maraykanka bishii la soo dhaafay.

“Safarkoodu waxa uu la xiriirraa sidii looga wadashaqayn lahaa amaanka garoomada, maadaama dalkeenu soo kobcayo oo uu korna u soo kacayo, waxayna lamid yihiin hay’daha kale ee dunida ee aan wadashaqayno,” ayuu yiri Maareeye Cabdiwali.

Saraakiisha ka socota Hay’adda Amniga Duulimaadyada Maraykanka ayaa xoogga saaraya sidii garoonka Aden Cabdulle heerkiisa amniga kor loogu qaadi lahaa si waafaqsan xeerrarka caalamig ah ee badqabka duulimaadya, iyadoo diiradda la saarayo qalabka iyo tababaridda shaqaalaha garoomada.

“Maadaama garoonka ugu weyn ee dalkeena ka shaqeeya uu yahay, fadhiga dawladduna yahay Muqdisho, ujeedadiisu waxay tahay in marka hore kan la fariisiyo, lagana wada shaqeeyo sidii loo sugi lahaa ama kor loogu qaadi lahaa Tayada aqoonta hawlwadeenadeena iyo aminga garoomada, ujeedadu intaas waaye, wadashaqayn lamid ah wadashaqaynta kale ee aan la leenahay dunida ayay kamid tahay,” ayuu yiri Mareeye Kuxigeenka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Suutalgalnimada Mustaqbalka in duulimaadyo toos ah oo ka baxa garoonka Aden Cabdulle tagaan Maraykanka

Garoonka Aden Cabdulle
Qoraalka sawirka,Diyaaradda Turkish Airlines oo rakaab ku dajinaysa garoonka Aden Cabdulle

Kooxda khubarada ah ee ka socota Hay’adda Amniga Duulimaadyada Maraykanka oo markii sedexaad tagay Muqdisho ayaa mar kasta u kuur galayay amniga iyo badqabka garoonka iyo duulimaadyadiisa, waxayna talooyin ku biirinayeen sida hawashu u socoto. Sidoo kale waxay bishii hore ku martiqaadeen Maraykanka madax ka tirsan maamulka garoonka Muqdisho, iyagoo tababarro ugu qabtay garoomada, una bandhigay sida amniga garoomadaasi u shaqeeyaan iyo qalabka casriga ah ee ay ku hawlgalaan.

Xili iyo waqti la cayimay ma jiraan oo ku saabsan dulimaadyo toos ah oo ka dhex bilowda Soomaaliya iyo Maraykanka laakiin rajada la qabo ayaa ah in mustaqbalka dhaw taas la gaaro.

Mareeye Kuxigeenka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Cabdiwali Garyare oo ka jawaabayay su’aal ahayd rajada ay arintaasi ka qabaan ayaa yiri: “walaahi waa rajada ugu balaaran ee aan qabno, waxaanan aaminsanahay sida ugu macquulsan in ay arintaasi noogu hirgali doonto, aduunyada kaleba waa ku kalsoon yihiin, hadda sida aad la socotid labo beri kaddib waxa bilaabanaya duulimaad toos ah oo wadanka Masar aadi doona, Turkigu waa jiraa waad la socotaa, Qadar sidoo kale, Imaaraadka, Kenya, sidaas oo kale ayaan ka rajaynaynaa in Maraykanka iyo aduunyada kaleba in duulimaadyo toos ah oo Muqdisho kabaxa iyo gobollada kaleba tagaan”.

Garoonka Aden
Qoraalka sawirka,Saraakiisha ka socota TSA iyo maamulka garoomada Soomaaliya

Shaqada iyo waqtiga la aasaasay Hay’adda Amniga Duulimaadyada Maraykanka (TSA)

Hay’adda Amniga Duulimaadyada Maraykanka ayaa la aasaasay wax yar uun kaddib markii ay dhaceen weerarradii 11 September 2001, markaas oo diyaarado lagu qarxiyay gobollada New York, Pennsylvania iyo Virginia. Weerarradaas waxa ku dhintay dad ku dhaw 3,000 oo qof.

Hay’addan ayaa loo sameeyay in ay ka hortagto weerarrada noocaas ah waxana markiiba ka shaqo bilaabay tobannaan kun oo qof oo doonaya in dalka ka caawiyaan amnigiisa.

Xeerka ay ku dhisan tahay Hay’adda amniga duulimaadyada Maraykanka oo la yiraahdo (The Aviation and Transportation Security Act) ayay aqalka wakiiladu meel mariyeen, waxana la saxiixay 9 November 2001, markaas ayaana la dhisay TSA.

Hay’ddan waxa kale oo ay ka caawisaa dhammaan wadamada duulimaadyada tooska ah uga yimaadaan Maraykanka amniga iyo badqabka garoomadoodu iyo duulimaadyada ay sameeyaan si looga fogaado khatarta weerarrada argagixisada.

Sodon sano kahor ayaa ugu dambeysay dulimaad toos ah oo ka taga Muqdisho ama Soomaaliya oo taga Maraykanka, sababo la xiriirra burburkii ku dhacay Soomaaliya iyo amni xumada daashatay, waxayse hadda ku rajo weyn tahay dawladda Soomaaliya in amniga caasimadda ka jira iyo habka casriga ah ee loo sugo amaanka garoonka uu soo jiidan doono duulimaadyo toos ah oo Muqdisho ka baxa, tagana wadamada reer galbeedka.