Faahfaahinta xiisadda ka taagan Ceerigaabo

Meel u dhow deegaanka Goof oo qiyaastii 40 KM ka baxsan magaalada Ceerigaabo ayey wararku sheegayaan in uu shalay iska hor imaad ku dhex maray laba ciidan oo lagu sheegay miliishiyooyin, kuwaasoo iska dilay ugu yaraan 7-9 qof.

Dadka deegaanka oo BBC ay la xiriirtay waxay u sheegeen in iska horimaadka uu daba socdo dil ka dhacay magaalada Ceerigaabo habeen hore, kaasoo loo gaystay nin deegaanka laga yaqaanno oo lagu magacaabi jiray Salmaan Aadan Cabdi.

Dilka ninkaas ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray. Salmaan ayaa dilkiisa ka hor soo duubay fiidiyow aad loogu wadaagay baraha Bulshada oo uu ku taageeray maamulka Khaatumo ee ay iska soo horjeedaan Somaliland, kaas oo uu ku dhaliilay shir ay odayaal yeesheen iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Saaka ayey wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo waxay sheegeen in ciidamo fara badan oo kuwa amniga ah lagu arkay magaalada gudaheeda, waxayna xiisaddan saamaysay isu socodkii magaalada gudaheeda iyo meheradii ganacsiga oo intooda badan xirnaa, ka dib markii uu dil kale magaalada gudaheeda ka dhacay.

Haddaba guddiga nabadgalyada gobolka Sanaag ayaa soo saaray go’aanno xagga nabadgelyada la xiriira xiisadda ka dib, waxaana ka mid ah in magaalada Ceerigaabo gudaheeda laga joojiyey isu socodka gaadiidka wixii ka billowda 28ka Agoosto, inta u dhaxaysa 4ta galabnimo ilaa 7da subaxnimo. Gaadiidkaas waxaan ku jirin kuwa ambalasyada ah iyo booyadaha.

Salmaan
Qoraalka sawirka,Salmaan Aadan

Go’aankaas waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse oo warbaahinta la hadlay, ayadoo saraakiisha amniga iyo qaar ka mid ah odayaasha deegaanka ay la fadhiyaan. Ciidankana waxaa la faray in aysan kaxaysan gaadiid gaar ah.

Isla maanta waxaa soo baxay baaqyo nabadeed oo la doonayo in lagu damiyo xiisadda.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland oo qoraal soo saartay ayaa ugu baaqday “dadka Walaalaha ah Degaanada Koonfurta Gobolka Sanaag ee ay shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan, kooxaha cadawga ku ah nabadda ee Bulshada iska horkeenayana ay meel uga soo wada jeestaan”.

Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa iyadana qoraal ay soo saartay ugu baaqday dhinacyada inay nabad ka shaqeeyaan.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS ayaa xiriirro kala duwan la sameeyey maamulka iyo qaybaha bulshada, isagoo xusay in degaannadaas oo ay weli damqinayaan dareenka dagaalladii hore aysan haboonayn in aan loogu darin colaad kale oo baahda oo aan xal loo heli karin cawaaqibkeeda” ayaa lagu yiri baaqa dawladda Soomaaliya.

Suldaan Cadde Gude
Qoraalka sawirka,Suldaan Caddo Gude

Odayaasha dhaqanka qaarkood oo uu horkacayo Suldaan Axmed Cismaan Caddo Gude ayaa iyaguna dhinacyada ugu baaqay xabbad joojin aan shuruud lahayn.

Waxaa kale oo ay ku baaqeen in la joojiyo “nooc kasta oo abaabul ciidan ah oo ay samaynayaan labada dhinac”.

Baaqyadan ayaa imaanaya ayadoo wararku ay sheegayaan in labada dhinac ay isku hub iyo ciidan uruursanayaan.

Gaadiika dagaalka ee Teknikada loo yaqaanno ayey wararku sheegayaan inay ka soo kala gurmadeen gobollada Sool iyo Togdheer, ayadoo magaalada gudaheedana dhaqdhaqaaqyo laga dareemayo, waxaana dad ay BBC la xiriirtay ay u sheegeen in xiisadda inteeda badan ay salka ku hayso dagaalladii kharaaraa ee magaalada Laascaanood ku dhex maray maamulka Khaatumo iyo xukuumadda Somaliland.

Bishii Febraayo ee sannadkii 2023 ayaa magaalada Laascaanood waxaa ka qarxay colaad uu dhiig badan ku daatay oo dhex martay wax markii dambe u xuubsiibtay dagaal toos ah oo dhex maray ciidan taageersan maamulka Khaatumo ee sheegta gobollada Sool Sanaag iyo Cayn, iyo milateriga Somaliland.

Dagaalkaas oo socday ilaa iyo 25 Agoosto ee isla sannadkaas wuxuu ka billowday dilka nin aad looga yaqaannay magaalada oo la yiraahdo Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi), waxaana dagaalkaas ku dhintay boqolaal qof, ayadoo tiro intaa ka bandanna ay ku dhaawacmeen, halka ay boqolaal kalena ka barakaceen magaalada oo uu burbur weyn dagaalka ka soo gaaray.

Xaaladda Ceerigaabo oo muddo aad u dheer ahayd magaalo nabdoon ayey dadka wax indha-indheeya u arkaan in wax laga qaban karo inta ay billowga tahay, si aysan faraha uga bixin.