Fadhiga 3aad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo warbixin lagaga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

16- May-2024- Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socdo xarunta Villa Soomaaliya, uuna guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin lagaga dhagaystay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga Koowaad ee howlgalka lagu xoreeyey deegaanno badan oo ay xoog ku heysteen argagixisada manaxayaasha ah, magaalooyinkaas iyo deegaannadaas oo ka tirsan dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Leave a Reply