14″ December “2022” Radio Dalsan
Faaruqin ku talagal ah ayaa laga dareemayaa in uu mar kale la soo gudboonaaday Fadhiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo markii labaad baaqday kadib markii uu buuxsami waayay Kooramka. Dheeho.com
Iddaacada Dalsan ee magaalada muqdisho ayaa sheegtay suurtagalnimada Arrinta baaqshada in ay salka ku hayso Xildhibaaanda qaarkood oo mooshin ka wada Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shcabka Xildhibaanad Sacdiya, kuwaas oo diidan sida la sheegay shir guddoominta fadhiga ee gudoomiye Ku xigeenka baarlamanka
Xildhibaaanda qaarkod ayaa warbaahinta la,hadlay waxay sheegeen in arrintaani ay tahay mid aad looga xumaado sidoo kalena cuuryaamin karta howlaha Baarlamanka iyo guud ahaanba nidaamka dowladnimada dalka.