Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo Janan kula kulmay Beled-Xaawo

24″ March 2021″ BALADXAAWO-

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan dawladda ay duleedka magaalada Beled Xaawo kula kulmeen Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo soo ahaa Wasiirka Amniga ee Jubaland.

Telefiishanka dawladda Soomaaliya ayaa qoray in Cabdirashiid Janan la kulmeen Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Caddaala.


Tallaabadan ayaa timid iyadoo ilo kala duwan ay u sheegeen VOA inuu Cabdirashiid Janan wadahadallo kula jiray dawladda Soomaaliya.

Goor hore oo maanta ahna, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu xulkii ka qaaday Wasiirkii Amniga ee maamulkiisa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaan Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa dawladda Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdishu bishii Augus sannadkii 2019-ka iyada oo ku eedaysay inuu galay “dambiyo culus” oo ay ku jiro kuwo la xiriira xuquuqda aadanaha. Eedahaas wuu beeniyey Cabdirashiid Janan, waxaanu xariggiisa ku tilmaamay inuu la xiriiray siyaasad.

Bishii Jannaayo ee sannadkii hore ayaa Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday goobtii lagu hayey, waxaana uu dhuumasho ku tagay magaalada Kismaayo.

Bishii Maarso ee sannadkii hore ilaa bishii Janaayo ee sannadan laba iska horimaad ayaa magaalada Beled Xaawo ku dhexmaray cidamada Cabdirashiid Janan ee mamaulka Jubaland iyo kuwa dawladda federaalka.

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayaa haatan waxaa uu kulan Albaabada u xiran yihiin uga socdaa degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Taliye Fahad Yaasiin iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa Maanta gaaray degmada Doolow, iyagoona uga sii gudbay dhinaca Balad-xaawo oo uu tegay Cabdirashiid Janan, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka u socda Fahad iyo Janan uu dhameystir u yahay heshiis dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Janan, waxaana la filayaa in C/rashiid Janan galabta la keeno Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Doolow ayaa haatan waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Federaalka, iyagoona qeyb ka ah Mas’uuliyiinta Caasimadda dalka keeni doona Wasiirkii hore ee amniga Maamulka, iyadoo diyaaradda qaadi laheyd ay taagan tahay Garoonka degmadaas.

Warar kale ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu maalmaha soo socdo u gudbi doono dalka Turkiga, halkaasoo dowladda Federaalka ay ku deegaameyneyso, sidoo kale waxaa la filayaa in dowladdu soo saarto warqad lagu cafinayo, maadaama loo heystay dambiyo la xiriira xuquuqda bani’aadanimada.

C/rashiid Janan ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu heshiis la galay dowladda, isla markaana waxaa Maanta xilka qaadis ku sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kadib markii uu heshiiska la galay dowladd

Leave a Reply