Cabashada Faarmaajo, Dib Ugu laabashada Turkey & Jawaabta Djibouti Ayaa ka dhashay xanibaadii fahadi yaasiin oo xudun u ah khilaafka madaxda ugu sareeysa somalia

Friday “17” Sept”2021 Djibouti” CUSBOONEEYSIIN

Wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti oo ka hadlay sababta diyaaradda loogu celinayo Istanbul

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda Turkish Airline ee u socotay magaalada Muqdisho waxa ay dib ugu laaban doonaan Istanbul, sida ay sheegtay dowladda Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout Maxamuud Cali Yuusuf oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay: “Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.”

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu saaran yahay duulimaadkaasi.

Wasiirka ayaa ku sheegay in sababta loo baajiyay duulimaadka ay tahay cilad farsamo oo diyaaradda la soo gudboonaatay.

Wasiirka maaliyadda Jibuuti oo u jawaabay Villa Sooomaliya

Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Djibouti Ilyas M. Dawaleh ayaa si kulul uga jawaabay eedda ka timid madaxtooyada Soomaaliya.

“Maaddaama aad tahay sarkaal sare oo ka tiran Villa Somalia iyo Isu duwaha warbaahinta, waxaan si walaaltinimo leh kaaga codsanayaa inaad ka reebtoonaatid haddallada aan habbooneyn ee aan salka lahayn. Waxaa habboon naad xaqiiqada raadisid. Djibouti waxay dhawaan soo saari doontaa hadal rasmi ah oo ka soo baxa Wasiirka Arrimaha Dibadda.” ayaa lagu yiri fariinta wasiir Dawaleh.

壯陽藥 t-weight:800;font-size:35px”>fahad yaasiin oo lagu xanibay Djibouti

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay xayirtay taiyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu la socday diyaaradda Turkihs Airline oo ka soo duushay Istanbul kuna hakatay caasimadda Jibuuti

Afhayeenka Madaxtooyadda, Cabdirishiid Xaashi ayaa xaqiijiyay in garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti lagu xannibay agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin.

Afhayeenka ayaa yiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa”.

Hoos ka akhriso

Leave a Reply