October 6, 2023- BBC

Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku baahay muuqaal laga qaaday munaasabad uu boqorka Morocco waraaqaha aqoonsiga kaga gudoomayey danjireyaal ay dalalku soo dirsadeen.
Waxaa muuqaalka laga arkayaa safiirada oo u foorarsanaya ixtiraam awgiis boqorka marka laga reebo laba safiir oo kala ah midka ay Soomaaliya dirsatay iyo kan Suudan oo ah haweenay lagu magacaabo Mawadda Cumar Xaaj Al-Toam oo si ka yar sidii ay sameeyeen safiirada kale u holaday inay madaxa gundhiyaan- waxay u muuqdeen inay ka labalabeeyeen falka.
Markii loo yeeray Safiirka Soomaaliya ay u dirsatay dalka Morocco Salaat Cali Catoosh, si uu waraqada ugu dhiibo boqorka ayaa la arkayaa isaga oo kaliya laabta gacanta saaraya halka Safiirada kale ay u foorarsanayeen bo壯陽藥 qorka.
Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa aad u wadaagay sawirrada iyo muuqaalka Safiirka iyago oo faalooyin ka bixiyay. Dadka qaar ayaa sheegayay ”inay ku faanayaan” maadamaa uusan qof biniaadmi ah u foorarsan, iyaga oo u arkayay inay bahdil taha.
Morrocco waxaa ka jiri jiray boqortooyada muslim ah oo ixtiraam dartiis dadku u wajiga dhulka u dhigi jireen boqorka, balse hadda waxay kusoo koobtay foorarsi ixtiraam ah.
