17″ January “2023” Dheeho.com
Raysilwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali kheyre
Madaxweynaha Mamulgoboleedka Putland Siciid cabdulahi dani iyo gudoomiyihii hore gobolka baaadir Thabit cabdi maxamed ayaa ku amaanay ciidamada military ga somalia geesimada muujiyeen si shacabka magaalooyinka la xoreeyay ay uga dulqaadaan cadaadiskii kooxda shabaab
Raysilwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali kheyre ayaa Ku amaanay ciidamada military ga somalia geesimada muujiyeen si shacabka magaalooyinka la xoreeyay ay uga dulqaadaan cadaadiskii kooxda shabaab ay ku heeysay deegaanada laga saaray kooxda
Dad-badan oo waxgarad-Aqoonyahano-Madax hore-iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed leh ayaa ka hadlay guulaha isi,soo taraya ee lagu xoreeynayo dadka ku dhaqan Magaalooyinka ay Al-shabaab mudada dheer maamuleysay
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa soo dhaweeyay talaabadii Shabaab looga saaray degmooyinka Ceeldheer & Xarardheere maamulgoboeedka Gal-Mudug.
Siciid C/llaahi Deni ayaa dhinaca kale soo jeediyay in dagaal looga bilaabo Shabaab deegaanada kale ee dalka ay uga sugan yihiin, isagoo shacabka ugu baaqay in loo midoobi ciribtirka kooxda.
Howlgalada Shabaab looga saarayo Gobolka Mudug waxaa qeyb ka ah ciidamadda PSF ee maamulka Puntland, iyadoo labadan maamul ay Waqooyi iyo Koofur ka kala arrimiyaan gobolka ayuu yiri siciid dani
Kooxda shabaab ayaa caqabd hortaagan ku ahaa gargaarka bani,aadanimada sidii loo gaarsiin lahaa magaalooyinka laga xoreeyay ooy ka muuqato duruufo adag oo abaaro iyo horumar la,aan la xiriirta
Mahad-badan ciidamada qaranka, shacabka, ciidamada deegaannada, Dowlad Gobolleedyada GalMudug, HirShabelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu yiri gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir Thabit Cabdi Maxamed
Todobaadyadii aynu ka soo gudubnay Madaxweynayaashii hore ee Putland iyo Galmudug Cabdiwali maxamed cali gaas iyo Cabdikariin xuseen guuleed ayaa ku amaanay dowlada uu犀利士 hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh ka go,anaanta dagaal Jiho walba leh ooy u bareertay in ay la gasho Argagixisada Shabaab oo mudo 5 sano ah aan dowlada Somalia kala kulmin wax iska caabin ah