Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
3″ December ” 2021 Muqdisho
Zaki Maxamud Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Kalafoge ayaa ku geeriyooday isgoyska dabka iyagoo saaran mooto bajaaj.
Sida la xaqiijiyey waxaa dilka geeystay ciidamo saarnaayeen gaari Cabdi Bile ah ,islamarkaana ay galbinayeen mid mid ah gawaarida aysan xabado karin.
wiilka iyo gabadha la diley ayaa ku sii jeedeen maqaayad laga cunteeyo si ay raashin ugu soo iibiyaan gabar ay walaalo yihiin oo ku jirtey isbitaalka Yerdemeli
Meydka labada Ruux ayaa goobta ka qaaday Ciidanka booliska .
Wararka ayaa sheegaya in wiilka iyo gabadha la diley inay ku sii jeedeen maqaayad laga cunteeyo si ay raashin ugu soo iibiyaan gabar ay walaalo yihiin oo ku jirtey isbitaalka Yerdemeli ee magaalada Muqdisho.
Lama oga sababta kaliftey in rasaas lagu furo mootada ay saarnaayeen labada walaalaha ee geeriyooday
Allaha u naxariistee Zakariye Maxamuud Kalafoge ayaa ka mid ahaa dhalinyarada dhamaysatay waxbarashada jaamacada sida ay sheegeen dhalinyaro ay saaxibo ahaayeen.
Dilka labadan walaalaha ah ayaa imanaysa waxka yar 24 saac kadib markii saddex wiil oo walaalo ah ay ku dhinteenmagaalada Beledweyne kadib markii madfac uu ku habsaday gurigooda oo ku yaal xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir.
FALCELINTA LAGA BIXIYAY
