10″ July ” 2022″ Dheeho Webmaster Elmi Osman Farah

Fal,celinta laga bixiyay kulanka Madaxweyne Xasan shiiq uu la yeeshay dhalinyaradii somaaliyeed ee tababarka u joogay dalka Eritrea
Sida ay Doorashihii Madaxweyne Xasan shiiq wax uga badashay qorshihii isbahysiga military ee ku biloowday isku darsiga ciidamo ayuuto ah oo ay yeeshaan Somalia,Ethiopia Iyo Eritriea
Madaxweyne Xasan shiiq ayaa kulan la yeeshay dhalinyaradii somaaliyeed ee tababarka u joogay dalka Eritrea kuwaas oo muuqaalkooda la arkay markii ugu horeeysay mudo 2 sano ah inkastoo qaabkii lagu qaaday uu ahaa mid ay saluugeen saraakiil badan oo soomaali ah iyo waalidiintii dhalinyaradan
Isbaheysiga Milliteri ee aan rasmiga ahayn ee Ethiopia, Eritera iyo Somalia, oo la rumeysan yahay inuu ka dhashay Heshiisyo qarsoodi ah, kadib, markii uu Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed la wareegay talada Ethiopia sannadkii 2018-kii, ayaa dhabar-jab kale ku ahaa hoos u dhaca saamaynta ay Dowladaha Reer Galbeedka ku lahaayeen Geeska Afrika .
Meel,marita qorshahaas ayaa ka so on waayay xaga somalia oo 4 tii sanaba mar qabsata doorasho iyo nabad isugu wareejinaya talada markii doorasho la kulantay caqabdo badan ay somalia u soo bandhigtay soo laabashada madaxweyne Xasan shiiq taas oo fashil ku soo gabagabeeysay hirgalinta heshiis hoosaakii isku ilaalinta xukunka madaxda sadaxda dal
Loolanka Awooda Geeska Afrika oo Isbadal Ka Taagan ayaa si cad banaanka u yimid Xili Somaliya Ay Dooratay Hogaamiye Cusub si ay u kala saarto Dimoqoraadiyada iyo kali, talisnimada
Madaxweynaha cusub ee somalia Xasan sh Maxamuud ayaa waxa uu kaga duwan yahy Madaxweynihii hore Maxaned cabdulahi farmaajo heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Kala dhaxeeya madaxada Ethiopia iyo Eritrea oo lagu tiriayo in ay u janjeeraan dhinaca Russia iyo China
Falanqeeyasha caalamka qaarkood ayaa Tilmaamaya in Geeska Africa uu soo jiidan Karo loolanka quwadaha waaweeyn ee dunida ka dib dagaalka Ukraine,
Waxaase jira figarado kuwaas ka soo horjeeda oo soo xoogeystay ka dib doorashadii Somalia ka dhacday, iyadoo Isbadalka ku yimid talada somalia doorashada Ka dib uu Somalia horseeday in ay ku sii socoto wadad a dimoqoraadiyada laakiin ka naxineeysa dariskeeda oo aaney ka dhicin doorashooyin iyo awood iisku wareejinaya nabdoon ee talada marka laga reebo Kenya