Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
23″ March “2022 Dheeho.com
Waare oo Villa soomaaliya ku eedeeyay, in ay ka danbeeyeen Qaraxa lagu dilay xildhibaanad Aamino
Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay dilka Xildhibaanad Aamino ayaa sheegay in falkaasi aysan kaliya fulin dagaalameyaasha Al-shabaab.
“Ma caadi baa in dadka dhaliila Villa Somalia ay dilaan Al Shabaab? Miyaan aqbalnaa tan oo aan ka dhaqaaqnaa? Waa ayo Al Shabaab hadda? Kani waa dil ay fulisay Villa Somalia. Wax ka yar ma jiro. Wax kale ma jiraan !” ayuu ku yiri Qoraal uu boggiisa Twitter-ku daabacay Mr Waare.
Eedeynta Waare ayaa ku soo aadaysa Xilli Ra’iisul Wasaare Rooble uu amray in Baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilka loo geystay Xildhibaan Aamino oo ka tirsaneyd Golaha Shacabka.
RAYSILWASAARE ROOBLE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA XILDHIBAANAD AAMINO
VILLA SOMALIA OO TACSI DIRTAY
Deni oo cambaareeyay qaraxa lagu dilay xildhibaan Aamina
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo qarax lagula beegtay magaalada Baladweyne.
Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkaasi iyo cidii ka danbeysay, wuxuuna ummada Soomaaliyeed iyo Golaha Shacabka JFS uga tacsiyeeyay geerida Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd Baarlamaankii 10-aad , hadana u tartamaysay si ay usoo laabato.
“Alle ha’unaxariisto Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Beledwayne, waxay ka mid aheyd Xildhibaanadii Baarlamaanka 10-aad sida weyn uga dhex muuqday hadana Olole ugu jirtay inay tartanto.
Marxuumada Alle janadii ha geeyo, ehelkeedana Samir iyo iimaan alle ha kasiiyo Aamiino”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeynaya dhammaan dadkii kale ee waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaasi.
Murugada Danjire Yusuf Garad oo Bartiisa Facebook Soo Dhigay
Drsa Maryan Qasim