Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

2″ July “2022” Muqdisho”

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan h犀利士 ayay.

Maxamed Xasan Baroow Maareeye ku Xigeenka Golaha Murtida iyo Wacyi Galinta ayaa Xaqiijiyay Geerida Khadra Daahir Cige oo Caawa ku Geeriyootay Hargaysa, isagoo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariistee Khadra Daahir Cige.

Marxuun Khadra Daahir ayaa sanadkii 1957kii ku ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ku dhameysatya waxbarashada, iyadoo ka mid ahayd dadka codadkooda loogu jecelyahay marka Iskuulaadka la xirayo.

1970-kii ayay Khadra Daahir Cige sameysay ruwaayaddeedii ugu horeysay oo ay ka dhigta Iskuulka Farsamada ee Hargeysa, waxaana ay si rasmi ah Ruwaayadda ula sameysay Hobollada Waaberi ruwaaddii la oran jiray “DAB JCAEYL KARI WAA

Heestii ugu horeysay ee ay qaaddo waxa ay ahayd, hees Jaceyl ah, “AFKA LAGAMA SHEEGTOO ADIGOON JACEYL ARAG”

INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILEyHI RAAJICUUN.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Khadra Daahir Cige oo caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa Alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannadii Fardowsa ahayd, Samir iyo Immaanna uu Alle ka siiyo ehelada ay ka baxday iyo Ummadda Soomaaliyeed

Innaalillaaahi waa innaa ileyhi raajicuun Ilaahay ha u naxariisto fannaanaddeenii weynayd ee Khadra Daahir Cige oo caawa ku geeryootay magaalada Hargeysa. Samir iyo iimaan Rabbi ha ka siiyo ehelkeedii, asxaabteedii, bahda Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Aamiin”.ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Leave a Reply