Faransiiska ayaa 24-saac gudahood ku badbaadiyay 240 magangalyo doon ah oo u socday UK

30″ November “2022” AFP

Faransiiska ayaa 24-saac gudahood ku badbaadiyay 240 tahriibayaal magangalyo doon ah oo ku socday UK iyadoo masiibadii ugu xumeeyd ee ka dhacda biyaha u dhaxeeya France Iyo Britain ay ku dhineen 27 qof oo uu ku jiro hal qof oo Somali ah Dheeho.com

Wakaalada Wararka AFP ayaa tabisay In Ciidamada gurmadka degdega ah ee Faransiiska ay badbaadiyeen 240 qof oo qaxooti magangalyo doon ah

Dadkan la soo samata bixiayay ayaa ku socday doomo yar yar Iyaga oo ku sii jeeday xeebaha koonfureed ee England, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

240-ka qof ayaa lagu soo badbaadiyay shan hawlgal oo kala duwan intii u dhaxaysay Isniintii , Talaadadii iyo galinkii hore ee Arbacada meel ka baxsan Calais oo ku taal xeebta woqooyi ee Faransiiska, maamulka badda ee Faransiiska ee kanaalka badda woqooyi ayaa bayaan ku sheegay sidaas

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta UK, 426 muhaajiriin mangalyo doon ah ayaa la arkay iyagoo ka gudbaya kanaalka shalay ka dib markii ay tiro aad u yar ay ka gudbeen toddobaad ka hor xilli cimiladu ay aad xumeyd.

Britain iyo Faransiiska ayaa horaantii November kala saxiixday heshiis ay mas’uuliyiinta UK ku kordhinayaan waxa ay qaataan dhiggooda Faransiiska si ay uga hortagaan isgoysyada, iyadoo ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain Rishi Sunak uu xiriirka ku tilmaamay in uu ayaa mid diiran yahay犀利士

Booliiska UK ayaa Talaadadii xiray nin looga shakisan yahay in uu “door muhiim ah” ku lahaa dhimashada ugu yaraan 27 qof oo ku qaraqmay bada iyaga ku guda jira isku day ay ku doonayeen in ay uga gudbaan Channel-ka xiriiriya France iyo UK xili ay ku safrayeen doon-biyoodka bisha November ee dhamaadka ah taas oo noqtay masiibadii ugu dhimashada badneyd

27-ka qof oo ay da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 47 jir ayaa kala ahaa 16 Kurdiyiin Ciraaqi ah, afar Afgaanistaan ​​ah, saddex Itoobiyaan ah, hal Soomaali ah, hal Masaari ah iyo hal qof oo Vietnamese ah.

Leave a Reply