Faransiiska iyo Masar oo ka wada-hadlay howlgalka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo Sabtidii shalay khadka taleefoonka wadahadal ku yeeshay, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar.

Madaxweyne El-Sisi ayaa iftiimiyay xiriirka dhow ee ka dhexeeya amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga qaranka Masar, taasoo uu sheegay inay keentay ka qeybgalka howlgalka cusub ee Midowga Afrika ka billaabanaya Soomaaliya bisha January ee 2025.

Waxuu Al-Siisi sheegay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya uga taageeri lahayd xaqiijinta amniga iyo xasiloonida iyadoo loo marayo iskaashi laba geesood ah oo salka ku haya heshiiskii difaaca ee bishii August lagu gaarey magaalada Qaahira.

Madaxweyne El-Sisi ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiskii dhawaan dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya ee Erdogan uu dhex-dhexaadiyay, isagoo rajo ka muujiyay inuu kaalin ka qaadan doono ammaanka iyo xasilloonida Geeska Afrika marka loo eego mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Macron oo maalmo kahor booqday Itoobiya ayaa taageeray dadaalka uu Abiy Axmed ugu jiro sidii ay dowladiisa dalalka dariska la ah uga heli lahayd marin badeed, iyada oo loo marayo wadahadal iyo shuruucda caalamiga ah.